Gakpo oo loo diyaarinayo door cusub oo Liverpool ah, iyadoo la ogaaday qorshaha Iraola ee Barcola.

Cody Gakpo ayaa loo sheegay inuu weli door muhiim ah ka ciyaari karo kooxda Liverpool xilli ciyaareedkan, inkastoo kooxda ay si weyn u xoojisay weerarkeeda kadib imaatinka Bradley Barcola, Liverpool ayaa diiday dalab gaaraya £80 milyan oo Manchester City ay ka gudbisay Gakpo saacadihii ugu dambeeyay ee suuqa kala iibsiga,  Xiddiga reer Netherlands ayaa markii hore u muuqday inuu ka bixi karo Anfield, gaar ahaan kadib markii Barcola lagu soo biiriyay kooxda.

Si kastaba ha ahaatee, Gakpo ayaa xilli ciyaareedka ku bilowday qaab ciyaareed heer sare ah, waxaana uu markale soo bandhigay bandhig cajiib ah kulankii ay Liverpool 2-0 kaga adkaatay Ipswich, Kulankaas, Gakpo ayaa labo caawin sameeyay, isagoo labada goolba u diyaariyay Alexander Isak, kaasoo dhaliyay labo gool oo hore.

Gakpo ayaa hadda saddexdii kulan ee ugu horreeyay xilli ciyaareedka sameeyay afar wax-ku-oolnimo weerar ah, isagoo dhaliyay hal gool isla markaana bixiyay saddex caawin.

Halyeeygii hore ee Liverpool Jason McAteer ayaa sheegay in aysan jirin sabab Gakpo looga saaro qorshaha kooxda, isagoo aaminsan in tababare Andoni Iraola uu boos u heli karo Gakpo iyo Barcola labadaba, McAteer ayaa tilmaamay in Gakpo uu si wanaagsan ku bilowday xilli ciyaareedka, isla markaana uu si weyn uga dhex muuqday daqiiqadaha ugu wanaagsan ee Liverpool.

Waxa uu sidoo kale xusay in Barcola inta badan ka ciyaaro garabka bidix, halka Gakpo uu awood u leeyahay inuu ka ciyaaro garabka bidix, weeraryahanka dhexe iyo xitaa garabka midig, Sidaas darteed, Gakpo wuxuu heli karaa fursado badan, gaar ahaan haddii Alexander Isak uu maqnaado ama Liverpool u baahan tahay ciyaaryahan weerarka dhexe ka ciyaara.

McAteer ayaa sidoo kale sheegay in booska garabka midig uusan wali si rasmi ah ugu xirnayn hal ciyaaryahan, Victor Muñoz ayaa sidoo kale bandhigyo wanaagsan ka sameeyay booskaas, waxaana la filayaa inuu tartan adag la galo Gakpo iyo ciyaartoyda kale, Dhanka kale, McAteer wuxuu carrabka ku adkeeyay muhiimadda Gakpo uga fadhida Liverpool gudaha qolka labiska, isagoo tilmaamay in khibraddiisa ay qiimo weyn leedahay.

Tababare Andoni Iraola ayaa isaguna si weyn u amaanay Gakpo, isagoo sheegay inuusan waligiis shaki ka qabin tayada xiddiga reer Netherlands, Iraola ayaa sheegay in Gakpo uu si wanaagsan u shaqeeyay intii lagu jiray isku diyaarinta xilli ciyaareedka, isla markaana uu xilli ciyaareedka si fiican ku bilowday isagoo soo saaraya tirooyin wanaagsan.

Tababaraha ayaa sidoo kale tilmaamay in Gakpo uu awood u leeyahay inuu ka ciyaaro saddexda boos ee weerarka, taasoo ka dhigaysa ciyaaryahan muhiim u ah qorshihiisa, Iraola wuxuu sheegay in tartanka u dhexeeya Gakpo, Barcola, Rio iyo Victor uu faa’iido u yeelan karo Liverpool, maadaama ciyaartoydu ay mararka qaar bilaabi doonaan kulamada, mararka qaarna kursiga keydka kasoo geli doonaan.

Inkasta oo mustaqbalkiisa Liverpool uu su’aal galay xagaagii, Gakpo ayaa bilowga xilli ciyaareedka u muuqda inuu si cad u muujinayo sababta ay kooxda u diiday dalabkii weynaa ee Manchester City.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga