Xiddiga Chelsea Mykhaylo Mudryk ayaa si rasmi ah u shaaciyay in ganaaxii afarta sano ahaa ee lagu soo rogay laga qaaday, isla markaana uu hadda xor u yahay inuu si degdeg ah ugu soo laabto ciyaaraha kubadda cagta.
Mudryk ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay in kiiskaasi ugu dambeyn soo dhammaaday, isla markaana loo oggolaaday inuu dib u bilaabo xirfaddiisa ciyaareed.
Wuxuu tilmaamay in muddadii uu kiiskaasi socday ay ahayd waqtigii ugu adkaa ee uu soo maro intii uu kubadda cagta ciyaarayay.
Mudryk ayaa mar kale ku celiyay inuusan waligiis si ula kac ah ama ogaal ah u qaadan wax maandooriye ama walax mamnuuc ah, isagoo xusay inuu mar walba ka go’nayd inuu si caddaalad ah u tartamo isla markaana si sharaf iyo daacadnimo leh u matalo kooxdiisa iyo dalkiisa.
Xiddiga reer Ukraine ayaa uga mahadceliyay qoyskiisa iyo saaxiibadiis taageeradii iyo kalsoonidii ay siiyeen muddadii uu wajahayaay dhibaatadan.
Sidoo kale wuxuu u mahadceliyay maamulka Chelsea FC, dhammaan ciyaartoyda kooxda iyo taageerayaasha Chelsea oo garab istaagay intii uu maqnaa.
Mudryk wuxuu sidoo kale si gaar ah ugu mahadceliyay kooxdiisii qareennada iyo dhammaan dadkii ka shaqeeyay difaaca kiiskiisa, isagoo sheegay inay qabteen shaqo aan kala go’ lahayn.
Ugu dambeyn, Mudryk wuxuu sheegay in diiraddiisu hadda tahay inuu si buuxda ugu soo laabto garoomada, maalin kasta si adag u shaqeeyo, isla markaana uu kooxda iyo taageerayaasha ugu soo kordhiyo waxqabad wanaagsan.
Wuxuu hadalkiisa ku soo gabagabeeyay isagoo u mahadceliyay dhammaan dadkii rumeysnaa intii ay dhibaatadu socotay, wuxuuna sheegay inuu si weyn u sugayo cutubka cusub ee xirfaddiisa kubadda cagta.
Be the first to comment