Chelsea ayaa gabagabeynaya heshiiska ay kula soo saxiixaneyso daafaca Crystal Palace, Maxence Lacroix, iyadoo ciyaaryahanka la filayo inuu maanta maro baaritaanka caafimaadka (medical).
Lacroix ayaa muujiyay rabitaankiisa inuu ka tago Selhurst Park dhammaadkii xilli ciyaareedkii hore, waxaana Chelsea si degdeg ah ugu soo baxday kooxda ugu cadcad ee doonaysay saxiixiisa.
Wadahadallada labada kooxood ayaa si xawli leh u socday toddobaadkii la soo dhaafay, waxaana hadda la filayaa in daafaca reer France uu ku biiro Chelsea heshiis lagu qiimeeyay £52 milyan.
Sida uu sheegay The Athletic, Lacroix ayaa maanta (Jimcaha) mari doona baaritaankii ugu dambeeyay ee caafimaadka, iyadoo si rasmi ah loogu dhawaaqi doono saxiixiisa maalmaha soo socda.
Be the first to comment