William Gallas Oo Doortay Xiddiga Ku Guulaysan Doona Ballon d’Or-ka 2026.

Daaficii hore ee Arsenal, William Gallas, ayaa doortay ciyaaryahanka uu aaminsan yahay inuu ku guuleysan doono Ballon d’Or-ka 2026.

Ku guuleystaha abaalmarinta Ballon d’Or-ka 2026 ayaa lagu dhawaaqi doonaa 26-ka Oktoobar magaalada London.

Weeraryahanka Paris Saint-Germain iyo xulka Faransiiska, Ousmane Dembélé, ayaa ku guuleystay Ballon d’Or-kii ugu dambeeyay ee 2025.

Isagoo ka hadlayay ciyaaryahanka ku guuleysan kara Ballon d’Or-ka sanadkan, Gallas ayaa meesha ka saaray fursadda Harry Kane ee xulka England, wuxuuna doortay Lamine Yamal oo ka tirsan xulka Spain.

Gallas ayaa sheegay in Yamal uu yahay musharraxa koowaad ee ku guuleysan kara abaalmarintan qiimaha badan, maadaama uu kula guuleystay Koobka Adduunka xulka Spain, isla markaana bandhiggiisii tartanka uu ahaa mid aad u wanaagsan.

Gallas ayaa yiri:

“Harry Kane ma uusan ciyaarin Koob Adduun oo heer sare ah. Inkastoo uu goolal dhaliyay, haddana waxqabadkiisu ma ahayn kii ugu fiicnaa. Sidaas darteed, iska illooba Harry Kane inuu ku guuleysto Ballon d’Or.”

Wuxuu intaas ku daray:

“Waa inaad diiradda saartaan ciyaartoyda sida Lamine Yamal, kaas oo aan u arko inuu yahay musharraxa koowaad, sababtoo ah wuxuu ku guuleystay Koobka Adduunka, bandhiggiisuna wuxuu ahaa mid wanaagsan, inkastoo uu dhaawac ku bilowday tartanka.”

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga