FIFA Oo Argentina U Ogolaatay Dalab Ay U Gudbisay Ka Hor Kulanka England.

FIFA ayaa si rasmi ah u xaqiijisay in xulka Argentina uu xiran doono funaannadiisa buluugga madow marka ay wajahaan England kulanka semi-final Koobka Adduunka 2026 ee Arbacada.

Argentina ayaa codsi gaar ah u dirtay FIFA ka hor kulanka, iyadoo dooneysa inay xirato funaannadaas taariikhiga ah si ay u hesho dhiirrigelin iyo faa’iido dhanka maskaxda ah.

Xulka Albiceleste ayaa dib u xusuusanaya waayihii halyeeyga Diego Maradona, kaas oo xirnaa funaannadan buluugga madow kulamadii taariikhiga ahaa ee England.

Sidoo kale Argentina waxay funaannadan xiratay markii ay England ka reebtay Koobkii Adduunka ee 1998, taasoo sii kordhisay qiimaha taariikheed ee dharkan.

Qoraal rasmi ah oo FIFA soo saartay Isniintii ayaa lagu xaqiijiyay in Lionel Messi iyo saaxiibbadiis loo oggolaaday inay xirtaan funaannada buluugga madow, surwaal cad iyo sharabaado cas.

Dhanka kale, England ayaa garoonka kusoo geli doonta funaannadeeda caadiga ah ee caddaanka ah, iyadoo labada xul ay isku diyaarinayaan mid ka mid ah kulamada ugu xiisaha badan Koobka Adduunka 2026.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga