DEG DEG BARCELONA oo qaadaneysa saxiix weyn , waa kuma xidiga heshiiska ayla gaadhay ?

João Cancelo ayaa si rasmi ah ugu biiraya  Barcelona, kadib markii uu heshiis la gaaray Al-Hilal oo ku saabsan tir tirida qandaraaskiisa, wararkii ugu dambeeyey waxay xaqiijinayaan in heshiiska labada dhinac la dhammeeyay, taasoo Cancelo u oggolaanaysa inuu Barcelona ugu biiro isagoo xor ah.

Cancelo ayaa sidoo kale helay fasax uu ugu safro Barcelona bilowga toddobaadka soo socda, si uu u dhammaystiro tallaabooyinka ugu dambeeya ee heshiiska, difaaca reer Portugal ayaa dhammaan shuruudihii heshiiskiisa Barcelona ku heshiiyay tan iyo bisha June, waxaana hadda uu diyaar u yahay inuu saxiixo.

Tani waxay noqon doontaa markii saddexaad ee Cancelo uu xirto funaanadda Barcelona, kadib laba waqti oo hore oo uu kooxda ugu ciyaaray amaah, hadda, kadib markii qandaraaskiisii Al-Hilal la soo afjaray, Barcelona ayaa fursad u heshay inay si toos ah ula soo saxiixato ciyaaryahanka.

Wararku waxay sidoo kale sheegayaan in Cancelo uu saxiixi doono heshiis laba sano ah, waxaana la filayaa in heshiiska rasmiga ah la dhammeeyo maalmaha soo socda.

 

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga