Warbaahinta Britain ayaa sheegtay in kooxda ku guuleysatay horyaalka Premier League, , ay garabka weerarka ee Morgan Rogers ka dhigtay bartilmaameedkeeda koowaad ee lagu xoojinayo weerarka inta lagu jiro suuqa kala iibsiga xagaagan.
Sida uu qoray The Atlantic ciyaaryahanka reer England ayaa heshiis hordhac ah la gaaray Arsenal shuruudaha shaqsiga ah, iyadoo qandaraaska la qorsheeyay uu socon doono illaa xagaaga sanadka 2031. Si kastaba ha ahaatee, heshiisku wuxuu sugayaa in labada kooxood ay ka heshiiyaan qiimaha kala iibsiga.
Wararku waxay sidoo kale sheegayaan in Aston Villa ay dalbaneyso lacag u dhexeysa £100 milyan iyo £130 milyan si ay u oggolaato iibinta Rogers, maadaama kooxda ay dooneyso inay u hoggaansanto xeerarka cadaaladda maaliyadeed iyo joogteynta dhaqaalaha.
Morgan Rogers ayaa haatan loo arkaa mid ka mid ah xiddigaha da’da yar ee ugu hibada badan England, taasoo sababtay in Arsenal ay mudnaanta koowaad siiso saxiixiisa si ay u xoojiso weerarkeeda. Wadahadallada labada kooxood ayaana weli socda, iyadoo la rajeynayo in heshiiska la soo gabagabeeyo maalmaha soo socda.
Be the first to comment