17 Ciyaartoy Oo Halis Ugu Jira In Ay Ganaax Ku Seegaan Semi-Final-ka Koobka Adduunka.

xulal badan oo u soo gudbay wareegga 8 dhamaadka Koobka Adduunka 2026 ayaa wajahaya caqabado waaweyn, kaddib markii ciyaartoy muhiim ah loo taagay kaadhka digniinta ilaa haatan tartanka koobka adduunka kuwaas oo halis ugu jira in ay seegaan kulamada soo socda.

Xulka Morocco ayaa noqon doona xulka ugu dhibaatada badan, iyadoo afar ciyaaryahan ay ka maqnaan kara kulanka xiga. Kuwaas waxaa ka mid ah Issa Diop, Achraf Hakimi, Redouane Halhal iyo Bilal El Khannouss, kuwaas oo dhammaantood hal kaadh oo digniin ah u jira in ay seegaan semi-final-ka.

Dhanka England, Jude Bellingham, Nico O’Reilly, Declan Rice iyo Marc Guehi ayaa sidoo kale halis ugu jira in ay seegaan kulanka xiga. Maqnaanshahooda ayaa dhabar-jab weyn ku noqon kara qorshaha tababaraha England, maadaama dhammaantood door muhiim ah ku lahaayeen safarka kooxda ee tartanka.

France ayaa waayi karta Manu Koné iyo Michael Olise, halka Switzerland ay seegi karto Granit Xhaka, Denis Zakaria iyo Miro Muheim. Sidoo kale Spain waxaa ka maqnaan kara Ferran Torres, Norway Antonio Nusa, Belgium Brandon Mechele, halka Argentina ay waayi karto Gonzalo Montiel.

 

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga