AC Milan ayaa Christopher Nkunku ku wargelisay go’aanka ah in laga saaro tababarka kooxda koowaad, iyadoo ciyaaryahanka hadda loo oggolaanayo inuu raadsado koox cusub, wararku waxay sheegayaan in Nkunku uusan ka mid ahayn qorshaha tababare Ruben Amorim ee Milan.
Nkunku ayaa sidaas darteed loo fasaxay inuu baxo, iyadoo Milan ay diyaar u tahay inay ka fikirto labada doorasho ee iib rasmi ah ama amaah, Wakiilladiisa ayaa haatan wadahadallo kula jira kooxo ka dhisan Talyaaniga iyo dalal kale, si loo helo kooxda uu ugu wareegi karo.
Go’aankan ayaa noqonaya mid lama filaan ah, maadaama Nkunku uu si joogto ah uga qeyb qaatay kulamadii is-diyaarinta xilli-ciyaareedka.
Si kastaba, Amorim ayaa qiimeyntii uu sameeyay kadib go’aansaday in xiddiga reer France uusan qayb ka noqon doonin mashruuciisa cusub ee AC Milan.
Be the first to comment