Barcelona ayaa ku soo laabanaysa dalabkeedii saddexaad ee ay Manchester City kaga dooneyso xiddiga khadka dhexe ee Rodri, kaddib markii labada dalab ee hore oo ahaa €50 milyan iyo €60 milyan ay City diiday.
Wadahadallada labada kooxood ayaa hadda si toos ah u socda, iyadoo Barça ay doonayso inay soo bandhigto dalab ku dhow bartamaha €60 milyan iyo €80 milyan ee Manchester City ay ku qiimeysay ciyaaryahanka.
Barcelona ayaa weli kalsooni iyo rajo weyn ka qabta in heshiiska la soo gabagabeyn karo, waxaana la filayaa in wada-xaajoodyadu sii socdaan maalmaha soo socda, Warbixinno kale ayaa sheegaya in qaabka heshiiska cusub uu noqon karo ku dhowaad €70 milyan, inkastoo City ay weli ku adkeysanayso qiimaheeda sare.
Dhanka kale, Rodri ayaa doonaya inuu u dhaqaaqo Barcelona, taasoo Barça siinaysa kalsooni dheeraad ah, balse caqabadda ugu weyn ayaa weli ah sidii labada kooxood ay isugu soo dhawaan lahaayeen qiimaha heshiiska.
Manchester City waxay dooneysaa ku dhowaad €80 milyan, halka Barcelona ay isku dayeyso inay heshiiska ku soo xirto lacag ka hooseysa qiimahaas.
Be the first to comment