KHASHIFAAD :- Arsenal oo dooneysa iney lawareegto difaacii hore ee Liverpool haatanna ……

Arsenal ayaa xiriir la sameysay xerada Jarell Quansah toddobaadkan, iyadoo bilowday wadahadallo ku saabsan suurtagalnimada inuu daafaca reer England ugu soo biiro kooxda, Wararka ayaa sheegaya in Arsenal ay hadda si dhab ah u qiimeyneyso heshiiska, iyadoo rabta iney adkeyso   khadka dambe.

Quansah ayaa xilli ciyaareedkii hore Liverpool uga wareegay Bayer Leverkusen, waxaana uu si wanaagsan uga dhex muuqday kooxda Jarmalka, Arsenal waxay u aragtaa daafaca 23-jirka ah inuu yahay ciyaaryahan awood u leh inuu ka ciyaaro centre-back iyo right-back, taasoo siin karta Mikel Arteta dabacsanaan dheeraad ah.

Laakiin heshiisku ma fududa. Bayer Leverkusen ma doonayso inay iibiso Quansah, waxaana la filayaa inay dalbato lacag ka badan tii ay Liverpool kaga soo iibsatay, Warbixinada maanta waxay qiimaha ku qiyaasayaan ugu yaraan €50 milyan (£43m).

Dhanka Liverpool, Reds-ku waxay lahaayeen qodob ay dib ugu soo ceshan karaan Quansah, balse ma aysan hirgelin xulashadaas xagaagan.

Hada arinka  ayaa Arsenal u furaysa fursad ay si toos ah ula xaajooto Leverkusen, inkastoo warbixinno kala duwan ay bixiyeen faahfaahin kala duwan oo ku saabsan waqtiga iyo qiimaha qodobka buy-back-ka.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga