Dhaqtaradii hore ee Chelsea oo dab kusii shiday khilaafkii Mourinho & Chelsea & Dacwadii ay gudbisay …

Dhakhtaradii hore ee Chelsea, Eva Carneiro, ayaa si kulul uga jawaabtay hadallo uu Jose Mourinho ka sheegay dhacdadii caanka noqotay ee dhex martay labadooda sanadkii 2015.

Khilaafku wuxuu dhacay intii lagu jiray ciyaartii Chelsea iyo Swansea City, markaas oo Eden Hazard uu dhulka ku dhacay. Carneiro iyo physiotherapist-ka Jon Fearn ayaa garoonka galay si ay u hubiyaan xaaladda Hazard.

Mourinho ayaa markaas si weyn uga carooday go’aankaas, isagoo ku dooday in Hazard uusan dhaawac culus qabin, isla markaana Chelsea ay ku hartay sagaal ciyaaryahan maadaama Thibaut Courtois hore loo saaray kaarka cas, Hazard-na uu qasab ku noqday inuu garoonka ka baxo si loo daaweeyo.

Dhacdadaas ayaa keentay in Mourinho uu Carneiro ku dhaleeceeyo inay ahayd “impulsive and naive”, waxaana markii dambe laga qaaday waajibaadkeedii kooxda koowaad. Carneiro waxay Chelsea ka tagtay wax yar kadib.

Hadda, in ka badan 11 sano kadib, dhacdadan ayaa mar kale soo noqotay kaddib markii lagu soo bandhigay documentary-ga Netflix ee “MOURINHO”.

Mourinho wuxuu documentary-ga ku sheegay inuusan u arkin in uu si gaar ah ula dhaqmay Carneiro sababtoo ah ay ahayd haweeney. Wuxuu sheegay in marka uu xanaaqsan yahay uu adeegsado erayo adag, isla markaana dadka kubadda cagta si fiican u yaqaan ay fahmi karaan xaaladaha noocaas ah.

Laakiin Carneiro waxay si cad uga jawaabtay hadalladaas, Waxay baraha bulshada ku qortay in 11 sano kadib ay mar kale dib loo soo celinayo dhacdadii ugu xumeyd, iyadoo si jees-jees ah u tiri: “Waxaan rajeynayaa inay lacag ka sameeyeen.”

Waxay sidoo kale weerar toos ah ku qaaday kabtankii hore ee Chelsea, John Terry, kaas oo documentary-ga ku difaacay Mourinho.

Carneiro waxay Terry ugu sheegtay in shaqaalaha caafimaadka ay ku shaqeeyaan xeerar caafimaad iyo sharciyeed, iyadoo ku boorrisay inuu barto xeerarka ay ku shaqeeyaan dhakhaatiirtu.

Waxay sidoo kale sharaxday in garsoore Michael Oliver uu kooxda caafimaadka Chelsea laba jeer ugu yeeray garoonka, isla markaana Eden Hazard laftiisu codsaday gargaar caafimaa, Carneiro waxay sheegtay in iyada oo ah xirfadle caafimaad aysan awood u lahayn inay iska indho-tirto codsigaas.

Dhanka kale, John Terry wuxuu documentary-ga sheegay in ciyaartoyda iyo shaqaalaha Chelsea ay hore u ogaayeen in Mourinho uusan rabin in dhakhaatiirtu garoonka galaan haddii dhaawacu uusan ahayn mid aad u daran.

Eden Hazard, oo markaas Mourinho la soo shaqeeyay, ayaa isna dhacdada ku tilmaamay mid aan wax weyn ahayn, balse wuxuu sheegay in marka Mourinho uu arrin galo, wax walba ay u muuqdaan kuwo ka waaweyn sidii ay ahaayeen.

Khilaafku wuxuu markii dambe gaaray maxkamad,  Carneiro waxay dacwad ka gudbisay Mourinho iyo Chelsea, iyadoo ku eedeysay takoor iyo in xaaladdu ay ku qasabtay inay kooxda ka tagto.

Chelsea ayaa ugu dambeyn Carneiro siisay raalli-gelin aan shuruud lahayn, waxaana heshiis qarsoodi ah lagu soo afjaray dacwadda  Mourinho, si kastaba ha ahaatee macalinka weligiis raalli-gelin rasmi ah kama bixin dhacdada.

Hadda documentary-ga cusub ayaa dib u furay arrin la moodayay in la soo dhaafay, iyadoo Carneiro ay muujisay in aysan weli ku qanacsanayn sida Mourinho iyo qaar ka mid ah ciyaartoydii hore ee Chelsea ay uga hadleen dhacdadii 2015.

Khilaafkan ayaa mar kale dhaliyay dood ku saabsan xadka u dhexeeya awoodda tababaraha, go’aanka dhakhtarka iyo badbaadada ciyaartoyga—arrin weli muhiim u ah kubadda cagta casriga ah.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga