Brazil Oo Go’aan Lama Filaan Ah Ka Gaartay Mustaqbalka Carlo Ancelotti

Xulka qaranka Brazil ayaa go’aansaday inay sii haystaan tababare Carlo Ancelotti, inkasta oo ay si lama filaan ah uga hareen 2026 FIFA World Cup wareegga 16-ka.

Brazil ayaa Axaddii guuldarro lama filaan ah oo 2-1 ah kala kulantay xulka Norway, taasoo soo afjartay rajadoodii koobka.

Natiijadan ayaa ka dhigan in Brazil ay sii sugi doonto hanashada koobkeedii lixaad ee Koobka Adduunka.

Si kastaba ha ahaatee, isku-duwaha xulka qaranka Brazil, Rodrigo Caetano, ayaa sheegay in Ancelotti uu sii ahaan karo tababaraha xulka ilaa **2030 FIFA World Cup>.

Caetano ayaa yiri:

“Hadda waxaa inala gudboon inaan xoogga saarno sidii wareegga shaqadu u sii socon lahaa si caadi ah, iyadoo la muujinayo degganaansho dheeraad ah. Waxaan sii wadi doonaa la shaqeynta tababaraha ilaa Koobka Adduunka ee 2030, annagoo samaynayna hagaajinnada lagama maarmaanka ah.

“Waxaan rajeynayaa inaan helno ugu yaraan xasillooni nagu filan oo aan ku sii wadno shaqada isla markaana aan isu diyaarinno Koobka Adduunka ee xiga.”

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga