Madaxweyne Trump:- “FIFA waxay sameyn lahayd khalad weyn haddii ay beddesho” …

Madaxweynihii Mareykanka Donald Trump ayaa si weyn u taageeray madaxweynaha FIFA, Gianni Infantino, isaga oo sheegay in hay’adda kubbadda cagta adduunku ay sameyneyso khalad aad u weyn haddii ay ka fikirto in xilka laga qaado ama la  beddelo Infantino.

Trump ayaa sheegay in Infantino uu yahay shaqsi “cajiib ah”, isaga oo ku ammaanay sida uu u hoggaamiyay FIFA iyo Koobkii Adduunka ee ugu dambeeyay.

Trump wuxuu yiri: “FIFA waxay sameyneysaa khalad aad u weyn haddii, sabab kasta ha ahaatee, ay xitaa ka fikirto inay beddesho madaxweyne Gianni Infantino.”

Wuxuu intaas ku daray: “Waa cajiib, isagoo hadda guddoominayay Koobkii Adduunka ee ugu guusha badnaa, afar jeerna ka sarreeya koobabkii hore.”

Trump ayaa sidoo kale sheegay in haddii Infantino xilka ka tago, Koobka Adduunka mustaqbalka uusan mar dambe noqon doonin mid sidaas u guuleysta ama faa’iido badan.

Wuxuu hadalkiisa ku soo gabagabeeyay:- “Waad ku mahadsan tihiin sida aad arrintan uga fiirsateen. Madaxweyne DJT.”

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga