Maxaa ka cusub Mustaqbal Jullian AL Varez & Simeone ayaa Julián Álvarez u diray maamulka Atlético Madrid

Warar ay baahisay COPE ayaa sheegaya in tababaraha Atlético Madrid, Diego Simeone, uu Julián Álvarez u sheegay inuu la xiriiro maamulka kooxda si looga wada hadlo mustaqbalkiisa.

Simeone ayaa ciyaaryahanka u caddeeyay in haddii uu jiro qorshe uu kooxda kaga tagayo, go’aanka ugu dambeeya uusan isaga gacantiisa ku jirin, balse uu mas’uuliyaddaas leeyahay maamulka Atlético Madrid.

Tababaraha reer Argentina ayaa sidoo kale tilmaamay in maamulka kooxda uu yahay hay’adda qaabilsan go’aannada ku saabsan iibinta iyo kala iibsiga ciyaartoyda.

Arrintan ayaa kusoo beegmaysa xilli Julián Álvarez lala xiriirinayo inuu doonayo inuu ka tago Atlético Madrid, iyadoo Barcelona ay si weyn u danaynayso saxiixiisa.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga