Warbixin ay qortay wargeyska Isbaanishka ah ee AS ayaa shaaca ka qaaday qorshaha tababare José Mourinho uu kula tacaalayo saddex ciyaaryahan oo ka tirsan kooxda koowaad ee Real Madrid, isaga oo u diyaarinaya xilli ciyaareedka cusub ee 2026/2027.
Real Madrid ayaa maanta oo Arbaco ah kulan saaxiibtinimo la ciyaari doonta Deportivo La Coruña, iyadoo ciyaartu bilaabaneyso 10:00 habeenimo waqtiga geeska afrika iyo Maka, waxaana lagu ciyaari doonaa garoonka Riazor.
Real Madrid ayaa ilaa hadda ciyaartay afar kulan oo saaxiibtinimo ah. Waxay 1-0 kaga adkaatay Alcorcón, 4-1 ku garaacday Leganés, 2-2 la gashay Fiorentina, halka ay 2-1 kaga adkaatay Ferencváros.
Kooxda reer Spain ayaa xilli ciyaareedka cusub ku bilaabanaysa hammi weyn, iyadoo dooneysa inay ku guuleysato koobkeedii ugu horreeyay muddo laba xilli ciyaareed ah.
Sida ay sheegtay AS, Mourinho ayaa doonaya inuu horumar weyn ka sameeyo xiddiga reer England ee Jude Bellingham inta lagu jiro xilli ciyaareedka cusub.
Tababaraha reer Portugal ayaa qorsheynaya in Bellingham inta badan loo dhoweeyo goolka, taasoo ah booskii uu si weyn uga dhex muuqday xilli ciyaareedkiisii ugu horreeyay ee Real Madrid, markaas oo uu dhaliyay goolal badan.
Si kastaba, Mourinho wali wuxuu hayaa su’aalo badan oo ku saabsan qaab-dhismeedka kooxdiisa, waxaana arrinta ugu weyn ee maskaxdiisa ku jirta ay tahay labada ciyaaryahan ee uu ka dhigan doono bartamaha khadka dhexe xilli ciyaareedka cusub.
Warbixintu waxay tilmaamaysaa in Real Madrid oo aan la saxiixan Rodri ay ka dhigtay booska khadka dhexe ee difaaca mid bannaan, Mourinho ayaa hadda raadinaya laba ciyaaryahan oo isku dheelitiran oo uu ku dhiso khadka dhexe.
Federico Valverde ayaa la filayaa inuu noqdo ciyaaryahan muhiim ah oo aan si fudud looga saari karin qorshaha Mourinho, inkastoo aan wali si rasmi ah loo xaqiijin inuu si joogto ah uga mid noqon doono shaxda koowaad.
Dhanka kale, Mourinho ayaa doonaya in Arda Güler uu beddelo booska lambarka 10-aad ee uu caadi ahaan ciyaaro, maadaama booskaas uu sidoo kale doonayo Jude Bellingham.
Sidaa darteed, haddii Güler uu doonayo inuu helo daqiiqado badan oo ciyaareed, Mourinho ayaa laga yaabaa inuu ka dalbado inuu dib ugu soo laabto meel hoose oo khadka dhexe ah, halkii uu ka ciyaari lahaa booska lambarka 10-aad.
Taasi waxay ka dhigan tahay in Arda Güler uu noqon karo ciyaaryahanka ugu weyn ee saameyntan uu ku yeelanayo qorshaha Mourinho, maadaama booska uu jecel yahay uu si toos ah ugu tartamayo Bellingham.
Be the first to comment