Mohamed Salah ayaa dalab hordhac ah ka helay kooxda Al-Ahli ee horyaalka Sacuudiga, kadib markii uu si xor ah uga tagay Liverpool xagaagan.
Xiddiga reer Masar ayaa soo afjaray sagaal sano oo uu ka tirsanaa Liverpool, isagoo kooxda kula guuleystay siddeed koob oo waaweyn. Wuxuu sidoo kale oggolaaday in qandaraaskiisa la soo afjaro hal sano ka hor waqtigii uu ku ekaan lahaa.
Wararka ayaa sheegaya in Al-Ahli ay la xiriirtay Salah si ay ugala hadasho mushaharka uu doonayo, balse ilaa hadda wax heshiis ah lama gaarin. Kooxda Sacuudiga ayaa sidoo kale xiisaynaysa Karim Adeyemi haddii ay ku guuldareysato saxiixa Salah.
Al-Ahli ayaa raadinaysa weeraryahan magac weyn leh si uu u beddelo Riyad Mahrez, kaasoo heshiiskiisa kooxda la soo afjaray kadib saddex sano oo uu u ciyaarayay.
Salah ayaa sheegay inuusan wali go’aan ka gaarin kooxda uu ku biirayo, isagoo xusay inuu haysto fursado badan isla markaana uu dareemayo caafimaad iyo awood uu weli heer sare ugu ciyaari karo, isagoo dooran doona kooxda ugu habboon mustaqbalkiisa.
Be the first to comment