Loollanka Kabta Dahabka ah ee Koobka Adduunka 2026 ayaa sii kululaaday, kaddib markii xiddiga Faransiiska Kylian Mbappé uu barbaro la galay Lionel Messi hoggaanka gooldhalinta tartanka.
Mbappé ayaa dhaliyay goolka Faransiiska kulankii wareegga 16-ka ee ay la ciyaareen Paraguay, taasoo ka dhigtay inuu gaaro 7 gool tartankan, isla markaana uu la simo Messi oo isna leh 7 gool.
Weeraryahanka Norway Erling Haaland iyo kabtanka England Harry Kane ayaa ku xiga kaalinta labaad iyagoo min 5 gool leh.
Dhanka kale, Ousmane Dembélé (Faransiis), Vinícius Júnior (Brazil), Ismaïla Sarr (Senegal) iyo Mikel Oyarzabal (Spain) ayaa wadaaga kaalinta saddexaad, iyagoo min 4 gool dhaliyay.
Mbappé ayaa sidoo kale gaaray 19 gool oo uu ka dhaliyay taariikhdiisa Koobka Adduunka, isagoo hal gool oo keliya u jira inuu la simo Lionel Messi, oo ah ciyaaryahanka ugu goolasha badan taariikhda tartanka isagoo leh 20 gool.
Loollanka Kabta Dahabka ah ayaa sii xoogeysanaya iyadoo Koobka Adduunka uu galay wareegyada bug-baxa, isla markaana xiddigaha ugu waaweyn kubadda cagta ay sii wadaan tartanka loogu jiro hoggaanka gooldhalinta.
Be the first to comment