Morocco Oo Afrika U Horseedday Rikoodh Aan Hore Loo Arag Koobka Adduunka

Xulka qaranka Morocco ayaa sii xoojinaya booskiisa taariikhda kubadda cagta, kaddib markii uu u soo baxay wareegga siddeed Dhamaadka ee Koobka Adduunka 2026, iyaga oo 3-0 kaga adkaaday Canada wareegga 16-ka. Guushan ayaa noqotay guul kale oo taariikhi ah oo ay ku dareen socdaalkooda Koobka Adduunka.

“Atlas Lions” ayaa noqday xulkii ugu horreeyay ee Afrika laba Koob oo Adduun oo xiriir ah gaara wareegga siddeedda, iyagoo markii ugu horreysay sidaas sameeyay Koobkii Adduunka ee 2022 lagu qabtay Qatar, halkaas oo ay xitaa u gudbeen afar dhammaadka (Semi-final), taasoo ahayd guul aysan hore u gaarin xul Afrikaan ama Carbeed.

Sidoo kale, Morocco waxay noqotay xulkii ugu horreeyay ee Afrika laba jeer gaara wareegga siddeedda taariikhda Koobka Adduunka, iyagoo ka sarre maray rikoodhkii ay hore u haysteen xulalka Cameroon (1990), Senegal (2002) iyo Ghana (2010), kuwaas oo mid kasta hal mar oo keliya gaaray marxaladdan.

Guushan ayaa sii xoojinaysa sumcadda Morocco inay tahay xulka Afrika ee ugu guulaha badan taariikhda Koobka Adduunka, iyadoo isku darsatay inay gaarto afar dhammaadka sanadkii 2022 iyo inay mar kale gaarto siddeedda sannadka 2026. Tani waxay caddeyn u tahay joogtaynta mashruuca kubadda cagta ee dalkaas, kaas oo “Atlas Lions” ka dhigay mid ka mid ah xulalka ugu awoodda badan dunida.

Morocco ayaa hadda isha ku haysa inay sii waddo qorista taariikh cusub, iyadoo wareegga siddeedda ku wajihi doonta xulka ku guuleysta kulanka u dhexeeya France iyo Paraguay, iyagoo rajeynaya inay hal tallaabo kale ugu dhowaadaan riyada hanashada Koobka Adduunka.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga