Warar ka soo baxay saxaafadda ayaa sheegaya in Arsenal ay dalab rasmi ah u gudbisay Barcelona, iyadoo kooxda reer London ay doonayso inay la soo saxiixato daafaca reer France ee Jules Koundé inta lagu jiro suuqa kala iibsiga xagaagan.
Mikel Arteta ayaa doonaya inuu xoojiyo khadka daafaca Arsenal, gaar ahaan kadib dhaawaca William Saliba, kaasoo kooxda laga filayo inuu muddo dheer garoomada ka maqnaado.
Sida ay qortay Metro, iyadoo soo xiganaysa wargeyska Spanish-ka ah Sport, Arsenal ayaa si rasmi ah Barcelona uga dalbatay Koundé, iyadoo Arteta uu u arko daafaca Faransiiska ciyaaryahan wax weyn ka tari kara qorshihiisa.
Koundé ayaa Barcelona la joogay afar xilli ciyaareed, waxaana inkastoo uu weli muhiim u yahay kooxda, haddana wararku sheegayaan in Barcelona ay diyaar u tahay inay dhegeysato dalabyada isaga laga soo gudbiyo.
Dhinaca ciyaaryahanka, xaaladdu ma fududa xaalada Koundé wuxuu dareemayaa inuu ku qanacsan yahay noloshiisa Barcelona, inkastoo uu xilli ciyaareedkii hore waayay booskiisii joogtada ahaa ee shaxda koowaad.
Sidaas darteed, Arteta waxaa horyaalla shaqo adag oo ah inuu ku qanciyo ciyaaryahanka inuu ka tago Camp Nou una dhaqaaqo Premier League.
Barcelona dhankeeda waxay leedahay sababo ay ugu furnaan karto iibka Koundé, Kooxda Catalan-ka ah ayaa doonaysa inay dib u dhisto khadkeeda daafaca, isla markaana ay hesho lacag ay kaga caawiso dhaqaalaha kooxda iyo dhaqdhaqaaqyada suuqa kala iibsiga.
Waxaa intaas dheer in Barcelona ay si xooggan u doonayso Julián Álvarez oo ka tirsan Atlético Madrid, sidaas darteed iibinta Koundé waxay kooxda siin kartaa dhaqaale dheeraad ah oo ay ugu isticmaasho qorshaheeda suuqa.
Arsenal kali kuma aha tartanka, Bayern Munich ayaa sidoo kale la sheegay inay xiiseynayso saxiixa Koundé, laakiin Arsenal ayaa hadda si dhab ah u riixaysa qorshaha, iyadoo xitaa gudbisay dalab rasmi ah.
Be the first to comment