Cristiano Ronaldo iyo Georgina Rodríguez ayaa si rasmi ah u aqal galay, kadib ku dhawaad 10 sano oo ay xiriir kuwada jireen.
Labada lamaane ayaa arooskooda si gaar ah ugu qabtay dalka Portugal, waxaana warka si rasmi ah loo xaqiijiyay 11-kii Agoosto 2026.
Ronaldo ayaa baraha bulshada ku wadaagay sawir gacmahooda ah oo ay ka muuqdaan faraantiyada arooska, isagoo sawirka ku qoray “C❤️G”.

Guurkooda ayaa yimid hal sano kadib markii Georgina ay si rasmi ah u shaacisay inay Ronaldo la ballantay, iyadoo xilligaas soo bandhigtay faraanti dheeman ah oo weyn. Ronaldo iyo Georgina waxay xiriirkooda bilaabeen 2016/2017, muddadaasna waxay dhisteen qoys, iyagoo wada leh carruur.
Hadda Cristiano Ronaldo iyo Georgina Rodríguez waxay noqdeen lamaane is qaba.
Be the first to comment