Xulka qaranka Masar ayaa noqday xulka labaad ee Afrika ee u soo gudba wareegga 16-ka Koobka Adduunka 2026, kadib markii uu rigoorayaal 4-2 ah kaga adkaaday Australia, kaddib markii ciyaartu ku dhammaatay barbaro 1-1 ah 120-kii daqiiqo.
Emam Ashour ayaa Masar hoggaanka u dhiibay qeybtii hore ee ciyaarta, hase yeeshee gool uu iska dhaliyay Mohamed Hany daqiiqaddii 55-aad ayaa Australia u suurageliyay inay barbaraha hesho.
Labada xul ayaa ku kala bixi waayay waqtigii caadiga ahaa iyo waqtigii dheeriga ahaa, waxaana ugu dambeyn guusha ku raacday Masar oo rigoorayaal ku badisay.
Guushan ayaa noqotay tii ugu horreysay ee Masar ka gaarto wareegyada bug-baxa ee taariikhda Koobka Adduunka.
Masar ayaa wareegga 16-ka la ciyaari doonta Argentina, halka Morocco oo ahayd xulkii ugu horreeyay ee Afrika u soo gudba wareeggaas ay la ciyaari doonto martigeliyeyaasha Canada.
Ilaa hadda, lix xul oo Afrikaan ah ayaa ka haray tartanka Koobka Adduunka 2026.
Be the first to comment