Xulk Argentina Oo Ka Badbaaday Muvjisadii Koobka Adduunka Una Gudbay Wareega 16.

Argentina ayaa u gudubtay wareegga 16-ka ee Koobka Adduunka 2026, kadib markii ay 3-2 kaga adkaatay Cape Verde ciyaar xiiso badan oo lagu gaaray waqti dheeraad ah taas oo ka dhacday garoonka Miami, wareegga 32-ka.

Argentina ayaa hoggaanka qabatay daqiiqaddii 29-aad, waxaana goolka u dhaliyay kabtankooda Lionel Messi, kaas oo helay baas dheer oo uu soo dhiibay Lisandro Martínez. Messi ayaa si qurux badan kubadda u koontaroolay gudaha xerada ganaaxa ka hor inta uusan shabaqa ku hubsannin.

Daqiiqaddii 59-aad ayay Cape Verde barbaraha keentay, waxaana u saxiixay Deroy Duarte, oo kubad ka helay gudaha xerada ganaaxa kadibna darbo hoose ku dhaafiyay goolhaye Emiliano Martínez.

Ciyaarta ayaa ku dhammaatay waqtigii caadiga ahaa barbaro 1-1, waxaana loo gudbay waqti dheeraad ah.

Daqiiqaddii 93-aad, Lisandro Martínez ayaa Argentina u dhaliyay goolka labaad, isagoo ka faa’iideystay kubbad koorne ka timid islamarkaana ku dhaliyay darbo xooggan oo shabaqa gashay.

Cape Verde ayaa mar kale barbaraha la timid daqiiqaddii 103-aad, waxaana goolka u dhaliyay Sidney Cabral, oo darbo aan la celin karin ka tuuray gudaha xerada ganaaxa, taasoo uu ku guuldareystay inuu badbaadiyo Emiliano Martínez.

Daqiiqaddii 111-aad ayay Argentina xaqiijisay guusha, kadib markii Dini Borges uu iska dhaliyay gool. Kubbad koorne ah oo uu soo laadlay Lionel Messi ayuu Cristian Romero madaxeeyay, waxayna kubaddu ku dhacday Dini Borges ka hor inta aysan shabaqa gelin, taasoo Argentina siisay guul 3-2 ah.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga