Xulka qaranka Masar ayaa u soo baxay wareegga 16-ka ee Koobka Adduunka 2026 kadib markii ay rigooreyaal 4-2 ah kaga adkaadeen Australia, kaddib markii ciyaartu ku dhammaatay barbaro 1-1 ah waqtigii caadiga ahaa iyo kii dheeriga ahaa.
Kulankan oo dhacay fiidnimadii Jimcaha garoonka Dallas, kana tirsanaa wareegga 32-ka, ayaa Masar goolka hoggaanka ku heshay daqiiqaddii 13-aad, waxaana madax qurux badan ku dhaliyay Imam Ashour.
Daqiiqaddii 55-aad ayuu daafaca Masar, Mohamed Hani, si kama’ ah shabaqiisa u taabtay kubadda, taasoo Australia siisay goolka barbaraha ee 1-1.
Markii ay ciyaartu ku dhammaatay 1-1 waqtigii caadiga ahaa iyo kii dheeriga ahaa, waxaa la aaday rigooreyaal, halkaas oo Masar ay ku badisay 4-2.
Masar ayaa wareegga 16-ka la ciyaari doonta kooxda ku soo baxda kulanka u dhexeeya Argentina iyo Cape Verde.
Masar waxay u soo baxday wareegga 32-ka kadib markii ay kaalinta labaad kaga soo baxday Group G iyadoo heshay 5 dhibcood, waxaana kaliya goolal lagu kala hormaray Belgium oo hoggaanka kooxda haysay.
Australia iyaduna waxay gaartay wareegga 32-ka kadib markii ay kaalinta labaad kaga soo baxday Group D iyadoo urursatay 4 dhibcood.
naasir_68@hotmail.com
Nasir anigu sanadkan waxa taageersanahay xulka Faransiiska laakiin caawa xulka måsar soo bandhigeen ciyaar cajiib ah laakiin waxa laga inay fooda isdaraan xulka Argentina