Lama Filaan: Xulka Paraguay Oo Reebay Xulka Germany.

Xulka qaranka Paraguay ayaa u soo baxay wareegga 16-ka ee Koobka Adduunka 2026, kadib markii ay rigoorayaal 4-3 kaga adkaatay xulka Jarmalka, kaddib markii ciyaartii caadiga ahayd iyo waqtigii dheeriga ahaa ay ku dhammaatay barbaro 1-1, kulan ka dhacay Boston Stadium.

Paraguay ayaa hoggaanka ciyaarta qabatay daqiiqaddii 42-aad, waxaana goolka u dhaliyay Julio Cesar Enciso, isagoo caawin ka helay Fonda.

Xulka Jarmalka ayaa barbareysay daqiiqaddii 54-aad, waxaana madax ku dhaliyay Kai Havertz, isagoo caawin ka helay Florian Wirtz.

Ciyaarta inteeda badan, Jarmalku wuxuu lahaa kubbad-haysasho iyo xakameyn badan, halka Paraguay ay muujiyeen nidaam difaac oo adag, iyagoo ku tiirsanaa weerarro rogaal-celin degdeg ah.

Markii waqtigii caadiga ahaa ku dhammaaday 1-1, labada kooxood waxay aadeen waqtiga dheeriga ah. Daqiiqaddii 102-aad, Jonathan Tah ayaa u dhaliyay Jarmalka gool, balse waxaa la diiday kadib dib-u-eegista VAR, maadaama qalad lagu galay goolhayaha Paraguay.

Daqiiqadihii harayna wax gool ah lagama dhalin, waxaana ciyaartu ku dhamaatay rigoorayaal, halkaas oo Paraguay ay ku badisay 4-3, sidaasna ku xaqiijisay inay u gudubto wareegga 16-ka ee Koobka Adduunka 2026.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga