Chicago Fire FC ayaa si rasmi ah ugu dLewandowskihawaaqay saxiixa weeraryahanka reer Poland Robert Lewandowski, kaas oo kaga soo biiray kaddib waayihiisii ugu dambeeyay ee Yurub uu kula qaatay FC Barcelona.
Lewandowski ayaa qalinka ku duugay heshiis soconaya illaa dhammaadka xilli-ciyaareedka 2027–2028 ee Major League Soccer. Wuxuu buuxin doonaa booska ciyaaryahanka gaarka ah (Designated Player) iyo sidoo kale booska ciyaaryahan ajnabi ah, iyadoo la sugayo dhammaystirka fiisihiisa shaqada iyo shahaadada wareejinta caalamiga ah.
Xiddiga reer Poland ayaa ku biiraya Chicago Fire isagoo leh taariikh cajiib ah, kadib markii uu dhaliyay in ka badan 700 gool oo uu u kala dhaliyay kooxihii uu u soo ciyaaray iyo xulka qarankiisa Poland.
Maareeyaha ciyaaraha iyo tababaraha kooxda, Gregg Berhalter, ayaa sheegay in saxiixa Lewandowski uu muujinayo himilada weyn ee kooxda, isagoo yiri:
“Maalintii ugu horreysay ee aan la kulmay Joe Mansueto, hadafkeennu wuxuu ahaa inaan dhisno koox heer caalami ah oo ku guuleysata horyaallada isla markaana dhiirrigelisa taageerayaasha. Robert waa horyaal dhab ah iyo tartame heer sare ah, imaanshihiisuna wuxuu kooxda gaarsiinayaa heerka ay magaalada Chicago mudan tahay.”
Lewandowski oo 37 jir ah ayaa u wareegaya horyaalka Mareykanka isagoo haysta rikoor weyn oo koobab ah. Wuxuu ku guuleystay UEFA Champions League, sidoo kale wuxuu qaaday 10 horyaal oo Jarmal ah isagoo u kala ciyaaray Borussia Dortmund iyo FC Bayern Munich, waxaana uu sidoo kale ku guuleystay horyaalka Spain isagoo la joogay Barcelona.
Intaa waxaa dheer, wuxuu laba jeer ku guuleystay abaalmarinta The Best FIFA sannadihii 2020 iyo 2021, waxaana loo tixgeliyaa mid ka mid ah gooldhaliyeyaasha ugu waaweyn taariikhda kubadda cagta Yurub.
Lewandowski ayaa ku biiraya Chicago Fire xilli kooxdu ku jirto kaalinta saddexaad ee MLS, kadib xilli ciyaareed xooggan oo ay dhalisay 68 gool sannadkii 2025, taasoo ahayd tiradii labaad ee ugu badnayd horyaalka. Sidoo kale kooxda ayaa isku diyaarinaysa furitaanka garoonkeeda casriga ah ee McDonald’s Park, kaas oo la qorsheeyay in la furo sannadka 2028.
Lewandowski wuxuu noqday ciyaaryahankii siddeedaad ee u dhashay Poland ee taariikhda Chicago Fire, isagoo ku biiray liiska xiddigihii hore ee kooxda sida Hristo Stoichkov, Bastian Schweinsteiger, iyo Xherdan Shaqiri, taasoo muujinaysa qorshaha kooxda ee soo jiidashada magacyada waaweyn ee kubadda cagta caalamka.
Be the first to comment