Casemiro Oo Taariikh U Sameeyay Brazil

Xiddiga khibradda badan ee Casemiro ayaa hoggaamiyay xulka qaranka Brazil in ay dib uga soo laabtaan ciyaartii Japan, kaddib markii uu dhaliyay goolka barbaraha kulankii ku dhammaaday 2-1, kaas oo ka tirsanaa wareegga 32-ka ee Koobka Adduunka 2026. Guushaas ayaana xaqiijisay in Brazil u gudubto wareegga 16-ka.

Xulka Japan ayaa hoggaanka qabtay qeybtii hore ee ciyaarta, waxaana daqiiqaddii 29-aad gool u dhaliyay Kaishu Sano. Hase yeeshee, Casemiro ayaa daqiiqaddii 56-aad madax xooggan shabaqa ku hubsaday goolka barbaraha.

Casemiro ayaa sidaas ku gaaray goolkiisii 10-aad ee uu u dhaliyo Brazil, isagoo goolkaas dhaliyay kulankiisii 90-aad ee caalami ah ee uu u safto xulka Seleção.

Shabakadda tirakoobka ee Opta ayaa sheegtay in Casemiro, oo jira 34 sano iyo 126 maalmood, uu noqday ciyaaryahankii labaad ee ugu da’da weynaa ee gool u dhaliya Brazil taariikhda Koobka Adduunka. Waxaa ka horreeya oo keliya Bebeto, kaas oo gool ka dhaliyay Denmark 3-dii Luulyo 1998 isagoo jiray 34 sano iyo 137 maalmood.

Brazil ayaa guusha dhammeystirtay markii Gabriel Martinelli uu dhaliyay goolka guusha daqiiqaddii lixaad ee waqtiga dheeriga ah, taasoo Brazil siisay guul 2-1 ah iyo u soo bixitaanka wareegga 16-ka, halka Japan ay isaga hartay tartanka.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga