Xulka Qaranka Brazil Oo Garaacay Xulka Japan Una Gudbay Wareega 16 Koobka Adduunka

Xulka qaranka Brazil ayaa xaqiijiyay u soo bixitaankooda wareegga 16-ka ee Koobka Adduunka 2026, kaddib markii ay kasoo laabteen gool looga hormaray iyaga 2-1 uga adkaaday Japan ciyaartii wareegga 32-ka.

Xulka Japan ayaa hoggaanka qabtay daqiiqaddii 29-aad, waxaana goolka u dhaliyay Kaishu Sano, iyadoo qeybtii hore lagu kala nastay 1-0 oo Japan ay ku horreyso.

Qeybtii labaad, Brazil ayaa soo laabatay, waxaana Casemiro uu barbaraha dhaliyay daqiiqaddii 56-aad, isagoo madax cajiib ah shabaqa ku hubsaday, taasoo Brazil siisay dhiirrigelin ay ku sii waddo cadaadiska ay ku raadineysay goolka guusha.

Waqtigii dheeriga ahaa, gaar ahaan daqiiqaddii 90+6, Gabriel Martinelli ayaa dhaliyay goolka guusha, isagoo Brazil u xaqiijiyay inay u gudubto wareegga 16-ka.

Guushan awgeed, xulka Brazil ayaa u gudbay wareegga 16-ka ee Koobka Adduunka 2026, halka Japan ay tartanka ka hartay.

Brazil waxay wareegga xiga la ciyaari doontaa xulka ku guuleysata kulanka u dhexeeya Ivory Coast iyo Norway.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga