DEG DEG Manchester United oo soo bandhigtay numberka uu xidhan doono

Manchester United ayaa go’aan cusub ka gaartay mustaqbalka Marcus Rashford, iyadoo kooxda ay qaaday tallaabo muujinaysa inay wali kalsooni ku qabto xiddiga reer England.

Rashford ayaa xilli ciyaareedka cusub lagu wadaa inuu xirto lambarka 14-aad, iyadoo go’aankan loo arko fariin cad oo kooxda ay ugu sheegayso inuu weli qayb ka yahay qorshaheeda.

Sidoo kale, Rashford ayaa hadda la safraya kooxda, taasoo sii xoojinaysa inuu ka mid yahay ciyaartoyda loo qorsheeyay kooxda.

Manchester United ayaa diyaar u ah inay Rashford sii haysato, haddii uusan imaan dalab weyn oo ka yimaada mid ka mid ah kooxaha waaweyn ee Yurub.

Si kastaba, haddii koox heer sare ah ay miiska soo saarto dalab ku qanciya Manchester United iyo ciyaaryahanka, xaaladda ayaa markaas is beddeli karta.

🔴 Lambarka 14-aad + safarka kooxda = Manchester United oo Rashford siinaysa fursad cusub.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga