MACSALAAMEYN:- Flick oo sagootiyay araújo liverpool oo ku dhow saxiixiisa ?

Hansi Flick ayaa hadallo u muuqda sagootin ka bixiyay Ronald Araújo, iyadoo ay soo baxayaan warar la xiriirinaya inuu ku biirayo Liverpool.

Tababaraha Barcelona ayaa yiri: “Ronald waa ciyaaryahan wanaagsan, sidoo kalena waa qof wanaagsan, Aniga ahaan, waa ciyaaryahan leh xawaare badan iyo awood jireed.”

Flick ayaa sidoo kale sheegay: “Ma awoodin inaan u isticmaalno inta badan sida aan jeclaan lahayn.”

Hadalladan ayaa sii xoojin kara wararka sheegaya in Ronald Araújo uu ku dhow yahay inuu ka tago Barcelona, iyadoo Liverpool lagu xamanayo inay tahay kooxda ugu weyn ee dooneysa saxiixiisa. Flick wuxuu si gaar ah u amaanay tayada difaaca reer Uruguay, balse wuxuu qiray in fursadihiisa ciyaareed aysan noqon sidii kooxda ay jeclaan lahayd.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga