HADAL TAARIIKHI AH:- ”Arsenal waxaan doonayaa inaan lasameeyo Taariikh weyn” ?

Bruno Guimarães ayaa fariin xooggan u diray taageerayaasha Arsenal, isagoo ballanqaaday inuu garoonka ku bixin doono wax walba, isla markaana uu diyaar u yahay inuu kooxda u dagaallamo.

Bruno Guimarães: “Waxaan taageerayaasha siin doonaa waxa ugu fiican ee aan awoodo, taas waan ballanqaadayaa. Waxaan ahay DAGAAL-YAHANKIIN.”

Wuxuu sidoo kale sheegay inuusan waligiis is dhiibin, isagoo rajeynaya inuu Arsenal iyo taageerayaasheeda la sameeyo xusuuso badan oo wanaagsan.

Bruno: “Waligay ma quusan doono. Waxaan rajeynayaa inaan si wadajir ah u abuurno xusuuso badan oo aad iyo aad u wanaagsan.”

Bruno Guimarães ayaa sidoo kale si cad u sheegay hamigiisa ugu weyn: inuu Arsenal kula guuleysto koobab, taariikhna la sameeyo.

Bruno: “Waxaan doonayaa inaan ku guuleysto koobab, waxaan doonayaa inaan taariikh sameeyo, waxaana u maleynayaa inaan joogo meesha saxda ah ee aan sidaas ku sameyn karo: Arsenal.”

Hadalladan ayaa muujinaya sida weyn ee Bruno Guimarães uu ugu hamuun qabo inuu Arsenal kula guuleysto koobab, isla markaana uu qayb uga noqdo taariikhda kooxda.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga