Chelsea Oo Xaqiijisay Bixitaanka 4 Ciyaartoy Oo Kooxdeed Ah.

Chelsea ayaa si rasmi ah u xaqiijisay in afar ciyaaryahan ay ka tagayaan kooxda marka uu dhammaado qandaraaskoodu 30-ka Juun.

Arrintan ayaa lagu shaaciyay bayaan lagu daabacay bogga rasmiga ah ee kooxda ee X maalintii Arbacada.

Kooxda Stamford Bridge ayaa soo saartay liiska ciyaartoyda la sii haysanayo iyo kuwa la fasaxayo kadib dhammaadka xilli ciyaareedkii 2025/26.

Sida bayaanka lagu sheegay:

“Daafaca Brodi Hughes ayaa ka tagaya Chelsea kadib 13 sano oo uu ku qaatay akadeemiyadda kooxda.”

“Hughes wuxuu Chelsea ku biiray isagoo ka tirsan kooxda da’da ka yar 8 jirrada (Under-8), wuxuuna si tartiib ah uga soo gudbay dhammaan heerarka tababarka ee Cobham. Xilli ciyaareedkii hore wuxuu amaah ugu ciyaaray kooxda AFC Wimbledon ee League One.”

“Richard Olise isaguna wuxuu ka tagayaa kooxda kadib toban sano oo uu joogay Chelsea.”

Olise wuxuu Chelsea ku biiray isagoo Under-9 ah, wuxuuna ka ciyaaray heerar kala duwan oo dhalinyarada ah. Sidoo kale waxaa lagu daray safka koowaad ee kooxda kulankii UEFA Conference League ee ay Chelsea u safartay Astana xilli ciyaareedkii 2024/25.

Khadka dhexe ee Sam Rak-Sakyi ayaa sidoo kale ka tagaya Blues-ka kadib markii uu afar kulan u saftay kooxda koowaad.

Rak-Sakyi wuxuu akadeemiyadda Chelsea ku biiray isagoo siddeed jir ah, wuxuuna kasoo baxay nidaamka dhalinyarada ee Cobham. Sidoo kale wuxuu matalay xulka England ee da’yarta.

Xilli ciyaareedkii 2024/25, Rak-Sakyi wuxuu kulankiisii ugu horreeyay u saftay Chelsea tartanka UEFA Conference League kulankii ay la ciyaareen Noah, wuxuuna saddex kulan oo kale ka ciyaaray tartankaas.

Jimi Tauriainen ayaa ah ciyaaryahanka afraad ee kooxda ka tagaya.

Wuxuu Chelsea ku biiray sanadkii 2020, waxaana hore loogu daray kursiga keydka kooxda koowaad finalkii tartanka Carabao Cup ee ay la ciyaareen Liverpool sanadkii 2024.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga