Salah, Nunez Iyo 7 Ciyaartoy Oo Ku Farxay Shaqo Ka Caydhinta Arne Slot Ee Liverpool.

Warku wuxuu ahaa mid dad badan ka yaabiyay, balse waa run: Arne Slot ma hoggaamin doono Liverpool xilli ciyaareedka 2026/27.

Waxaa jiray waqtiyo badan oo xilli ciyaareedka dhexdiisa ah oo la filayay inuu shaqada waayi doono, balse maamulka ayaa sii hayay ilaa dhammaadka.

Markii uu kooxda dejiyay oo uu xaqiijiyay u soo bixitaanka Champions League, dad badan waxay u malaynayeen inuu heli doono xilli ciyaareed kale, laakiin si lama filaan ah ayaa loo eryay.

Taageerayaashu waxay ka bixiyeen aragtiyo kala duwan. Qaar way ku farxeen bixitaankiisa, halka kuwo kalena ay aaminsanaayeen in nin kooxda u horseeday horyaalkeedii 20-aad uu mudnaa ugu yaraan hal xilli ciyaareed oo dheeraad ah.

Warbixintan waxana ku soo bandhigi doonaa  7 ciyaaryahan oo ugu farxadda badan bixitaanka Arne Slot.

1. Mohamed Salah

Mohamed Salah ayaa lagu sheegay qofka ugu horreeya ee ku faraxsan bixitaanka Slot. Xiriirka ka dhexeeyay labadooda xilli ciyaareedkii ugu dambeeyay wuxuu ahaa mid aad u xumaa. Slot marar badan ayuu kursiga kaydka dhigay ama xitaa ka saaray liiska ciyaaraha waaweyn, halka Salah uu si fagaare ah u dhaleeceeyay tababaraha. Sidaa darteed, inkastoo Salah hadda Liverpool ka tagay, waxaa la rumaysan yahay inuu ku faraxsan yahay in Slot la eryay.

2. Harvey Elliott

Harvey Elliott wuxuu dareemayay inuusan helin fursado ku filan. Inkastoo uu marar badan si wanaagsan uga faa’iidaystay daqiiqadaha la siiyay, haddana ma helin waqti ciyaareed joogto ah. Hadda oo Slot baxay, Elliott wuxuu rajaynayaa inuu kusoo laabto Liverpool kadib amaahdiisa Aston Villa oo uu qanciyo tababaraha cusub.

3. Federico Chiesa

Chiesa waxaa la sheegay inuu ahaa ciyaaryahanka weerarka ee ugu dhibaatada badnaa Slot. Wuxuu bilaabay hal kulan oo keliya horyaalka iyo Champions League xilli ciyaareedkaas. Xitaa markii uu bandhigyo fiican sameeyay, Slot weli ma siin fursado badan. Sidaas darteed, bixitaanka Slot wuxuu Chiesa siinayaa rajo cusub.

4. Jeremie Frimpong

Inkasta oo Slot uu Liverpool keenay Frimpong, haddana nidaamkiisa ciyaareed uma uusan shaqayn. Marar badan ayuu u muuqday ciyaaryahan aan la qabsan karin qaabka kooxda. Slot xitaa mar ayuu ku eedeeyay inuu sabab u ahaa gool ay Crystal Palace dhalisay. Frimpong wuxuu seegay xulka Netherlands ee Koobka Adduunka, waxaana la aaminsan yahay inuu ku faraxsan yahay tababare cusub oo fursad cusub siin kara.

5. Milos Kerkez

Kerkez wuxuu caan noqday markii uu la shaqaynayay Andoni Iraola ee Bournemouth. Hadda oo Iraola loo magacaabay beddelka Slot, Kerkez wuxuu heli karaa fursad cusub oo uu ku muujiyo tayadiisa. Xilli ciyaareedkiisii ugu horreeyay ee Liverpool ma ahayn mid sahlan, laakiin hadda xaaladdu way is beddeli kartaa.

6. Calvin Ramsay

Calvin Ramsay wuxuu Liverpool yimid 2022, laakiin dhaawacyo iyo fursad la’aan ayaa dib u dhigay horumarkiisa. Markii uu kusoo laabtay kooxda, Slot waligiis ma siin hal ilbiriqsi oo Premier League ah, inkastoo kooxda ay mararka qaar ka maqnaayeen daafacyo badan. Sidaas darteed, Ramsay wuxuu rajaynayaa in tababaraha cusub uu siiyo fursad uu isku muujiyo.

7. Darwin Núñez

Inkasta oo Darwin Núñez uu Liverpool ka tagay in ka badan hal sano ka hor, haddana waxaa la sheegay inuu ku faraxsan yahay bixitaanka Slot. Labadooda xiriirkoodu ma fiicnayn, Slot-na waligiis si buuxda uguma kalsoonaan. Markii dambe Núñez waa laga saaray kooxda. Sidaa darteed, waxaa la rumaysan yahay inuu dareemayo qanacsanaan markii uu maqlay in Slot shaqada laga eryay.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga