Jack Wilshere Oo Saadaaliyay Xulka Ku Guulaysan Doona Koobka Adduunka

Ciyaaryahankii hore ee khadka dhexe ee Arsenal, Jack Wilshere, ayaa saadaaliyay kooxda ku guuleysan doonta, kooxda kaalinta labaad geli doonta iyo ciyaaryahanka ku guuleysan doona kabta dahabka (Golden Boot) ee Koobka Adduunka 2026.

Koobka Adduunka 2026 wuxuu bilaaban doonaa toddobaadka soo socda, waxaana si wadajir ah u martigelinaya dalalka Mexico, Canada iyo United States.

Saadaashiisa oo lagu baahiyay bogga The Sun Football  Wilshere wuxuu rumeysan yahay in England ay ku guuleysan doonto Koobka Adduunka.

Sidoo kale wuxuu saadaaliyay in France ay noqon doonto kooxda kaalinta labaad gasha, halka kabta dahabka uu ku guuleysan doono kabtanka England, Harry Kane.

England waxay ku jirtaa Group L, waxaana ay la ciyaari doontaa Croatia, Ghana iyo Panama.

Tababaraha England, Thomas Tuchel, ayaa hore u shaaciyay liiska 26-ka ciyaaryahan ee uu u xushay tartanka.

Magacyada waaweyn ee laga reebay xulka waxaa ka mid ah Trent Alexander-Arnold, Harry Maguire, Phil Foden iyo Cole Palmer.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga