DEG-DEG: Barcelona Oo Shaacisay Wakhtiga Uu Gordon Mari Doono Tijaabada Caafimaadka.

Kooxda Barcelona ayaa heshiis la gaadhay kooxda Newcastle si ay uga iibsadaan xiddiga Athony Gordon xagaagan.

Saxafiga Ben Jacobs ayaa sheegay in Barcelona heshiis afka ah la gaadhay kooxda Newcastle si ay u hesho saxiixa xiddiga.

Barcelona ayaa ogolaatay in ay bixiso lacag dhan 70 milyan oo euro si ay u hesho saxiixa xiddiga reer England.

Kooxda reer Spain ayaa qorshaynaysa in uu xiddiga Gordon tijaabada caafimaadka u mari doono kooxda Todobaadka dambe.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga