Ederson Oo Tallaabo U Qaaday Ku Biirista Man United, Maxaa Cusub?

Ciyaaryahanka khadka dhexe ee kooxda Atalanta, Ederson, ayaa oggolaaday shuruudaha shaqsiyadeed ee uu kula biirayo Manchester United inta lagu jiro suuqa kala iibsiga xagaaga.

Sida uu sheegay khabiirka suuqa kala iibsiga ciyaartoyda, Fabrizio Romano, Ederson ayaa hakiyay wada-hadalladii uu la lahaa kooxaha kale.

Ciyaaryahankan ayaa la filayaa inuu ku kacayo Manchester United qiyaastii €45 milyan guud ahaan.

Romano ayaa ku qoray bartiisa X:

“Éderson wuxuu oggolaaday heshiiska shaqsiga ah ee Manchester United, wuxuuna hakiyay dhammaan wada-hadalladii kooxaha kale tan iyo usbuucii hore”

“Atalanta iyo Manchester United waxay toddobaadyo ka wada hadlayeen heshiis dhan €45 milyan”

“Hadda waxay ku xiran tahay Manchester United inay go’aansato inay heshiiska sii wadaan iyo waqtiga ay sameynayaan.”

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga