De Bruyne Oo Shaaca Ka Qaaday Qaabkii Uu Ugu Dhawaaday Ku Biirista Liverpool.

Kevin De Bruyne ayaa ka hadlay sida uu ugu dhawaa inuu ku biiro Liverpool kahor inta uusan sanadkii 2015 ku biirin Manchester City.

Xiddiga ayaa Ku Soo laabatay premier league isaga Oo kaga Soo biiray Horyaalka Bundesliga.

“Dad badan ma oga sida aan ugu dhawaa inaan ku biiro Liverpool kahor inta aanan u saxiixin Manchester City”

“Waxaan wada hadallo dheer la yeeshay Brendan Rodgers. Wuxuu kubadda cagta uga hadlayay xamaasad dhab ah. Ma ahayn xeelad kaliya — wuxuu ka hadlayay dareen, aqoonsi iyo jawiga kooxda”

“Wuxuu mar walba ii sheegayay: ‘Anfield, taageerayaashu waxay awoodaan inay ciyaarta beddelaan kaligood”

“Run ahaantii, marka ciyaaryahan ahaan aad maqasho arrintaas, si degdeg ah ayaad u dareemaysaa, sababtoo ah Liverpool ma aha koox caadi ah. Tamarta ku hareeraysan way ka duwan tahay”

“Waqtigaas xirfaddayda, waxaan doonayay meel aan ka noqon karo mid ka mid ah khadadka dhexe ee ugu fiican dunida. Liverpool waxay iga dhigtay inaan dareemo muhiimad. Waxay iga dhigtay inaan dareemo in la i doonayo”

“Waxaan qiyaasayay habeenada Champions League-ka, anigoo maqlaya heesta ‘You’ll Never Walk Alone’ kahor ciyaarta, isla markaana ciyaaraya cadaadis iyo xamaasad toddobaad kasta”

“Lakiin markaas Manchester City waxay la timid mashruuc u muuqday mid aan la joojin karin. Hamiga kooxda aad buu u weynaa, kooxda ciyaartoydeeduna way sii xoogeysanaysay, wax walbana si degdeg ah ayay u dhaceen”

“Sidaas ayaan go’aankayga ku gaaray.”

“Laakiin haddana… mararka qaar waxaan is waydiiyaa sida taariikhda kubaddu isu beddeli lahayd haddii aan doortay Anfield halkii aan Doortay Etihad”.

“Sababtoo ah qalbigayga gudihiisa, qayb iga mid ah runtii waxay doonaysay inay la kulanto garoonkaas iyadoo ka soo baxaysa qolka labiska ee kooxda guriga.”

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga