Daafaca dhexe ee da’da yar Ismaelo Ganiou ayaa la sheegay inuu diyaar u yahay inuu ku biiro Liverpool xagaagan.
Ganiou oo 20 jir ah ayaa si tartiib ah uga dhex muuqday France xilli ciyaareedkan kadib markii loo dalacsiiyay kooxda koowaad ee Lens.
Markii hore wuxuu inta badan ka ciyaari jiray garabka midig balse hadda waxaa lagu ciyaarsiiyay dhinaca midig ee saddexda daafac, taas oo si weyn ugu habboonaatay qaab ciyaareedkiisa.
Waxaa lagu amaanay:
Xawaaraha
Deganaanshaha kubadda
Inuu kubadda horay u qaadi karo
Baasaska weerarka abuura
Iyo inuu si fiican uga ciyaari karo dhowr boos
Final-kii French Cup ee ay Lens la ciyaartay OGC Nice ayuu Ganiou sameeyay bandhig weyn oo muujiyay inuu diyaar u yahay heer sare.
Kulankaas:
Wuxuu ku guuleystay 7 duel
Sameeyay 18 clearance
4 recoveries
Wuxuuna saxay 92% baasaskiisa
Warbixintu waxay sheegtay in qaab ciyaareedkaas uu caddeeyay in Ganiou diyaar u yahay tallaabada weyn ee ah inuu ku biiro Anfield.
Be the first to comment