Rice Oo Arsenal U Sheegay Qaabka Ay PSG Ugu Garaaci Karaan Final Champions League.

Ciyaaryahanka khadka dhexe ee Declan Rice ayaa sharaxay sida ay Arsenal uga adkaan karto Paris Saint-Germain final-ka UEFA Champions League Final.

Arsenal iyo PSG ayaa ku kulmi doona final-ka Champions League ee ka dhici doona garoonka Puskás Aréna maalinta Sabtida.

Labada kooxood ayaa usoo baxay final-ka kadib markii ay semi-finalka kasoo kala adkaadeen Atletico Madrid iyo Bayern Munich.

Isagoo la hadlayay bogga UEFA, Rice ayaa sheegay in kooxda ku guuleysatay Premier League ay khasab tahay inay ciyaarto heerkeedii ugu sarreeyay si ay uga adkaato PSG oo ah difaacaneysa koobka Champions League.

“PSG waa koox aad u fiican. Waxaan la ciyaarnay labo lugood sanadkii hore. Si walba ayay ku dhammaan kartay, marka hadda marka laga hadlayo, kooxda ugu fiican ha badiso,” ayuu yiri Rice.

“Waxaad u baahan tahay inaad joogto heerkaaga ugu fiican si aad PSG u garaacdo. Waa inaad leedahay rabitaan iyo dagaal laga bilaabo seeriga ugu horreeya, inaad final-kan ku guuleysaneyso.”

“Waa tartanka ugu weyn kubadda cagta. Final-ka Champions League wax ka weyn ma jiro.”

Dhanka kale, halyeeyga Manchester United ee Gary Neville ayaa sheegay in PSG ay joogto “heer kale” isla markaana ay haysato “tababaraha ugu fiican”, isagoo saadaaliyay kulan adag oo dhex mara Arsenal iyo PSG.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga