Arenal Mise Barcelona? Julian Alvarez Oo Doortay Kooxda Uu Ku Biirayo Xagaaga

Weeraryahanka Julian Alvarez ee kooxda Atletico Madrid ayaa mudnaanta siinaya inuu xagaagan ku biiro Barcelona halkii uu uga wareegi lahaa Arsenal, sida ay sheegayaan warbixinno kasoo baxay Spain.

Alvarez ayaa hadda dhammeystay xilli ciyaareedkiisii labaad ee Atletico Madrid kadib markii uu kaga yimid Manchester City heshiis qiimihiisu ahaa £81.5 milyan laba sano kahor.

Arsenal ayaa sahaminaysay suurtagalnimada inay la soo saxiixato Alvarez inta lagu jiro suuqa kala iibsiga xagaaga, waxaana jiray wada-hadallo hordhac ah.

Agaasimaha ciyaaraha Arsenal, Andrea Berta, oo ahaa qofkii ka shaqeeyay heshiiskii Alvarez ugu wareegay Atletico sanadkii 2024, ayaa xiriir dhow la leh wakiilka ciyaaryahanka ee Fernando Hidalgo.

Si kastaba ha ahaatee, wargeyska Marca ayaa sheegay in Alvarez uu diiday qandaraas cusub oo mushahar kordhin ah oo Atletico usoo bandhigtay, isla markaana uu kooxda u sheegay inuu doonayo inuu ku biiro “mashruuc ka hammi weyn.”

Warbixinta ayaa intaas ku dartay in meesha uu ugu jecel yahay inuu tago ay tahay Barcelona, balse heshiiskaasi uu adkaan karo maadaama Atletico Madrid ay dalbanayso €150 milyan (£129.5 milyan).

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga