Man City Oo Bilowday Wadahadalo Ay Ku Doonayso Xiddig U Ciyaara

Manchester City ayaa billowday wada-hadallo ay ku doonayso saxiixa khadka dhexe ee Chelsea, Enzo Fernández, sida ay sheegayaan warbixino kala duwan.

Fernandez, oo Chelsea kaga soo biiray Benfica lacag dhan £106.8 milyan, ayaa horey shaki uga muujiyay mustaqbalkiisa kooxda kadib markii Chelsea laga reebay UEFA Champions League labo bilood kahor.

Chelsea ayaa markaas Fernandez ku ganaaxday labo kulan kadib hadallo uu ka sheegay suuragalnimada uu ugu wareegi karo Madrid intii lagu jiray fasaxii ugu dambeeyay ee ciyaaraha caalamiga ah.

Sida uu qoray Sky Germany, Manchester City ayaa Fernandez ka dhigtay bartilmaameedka koowaad ee liiskeeda xagaaga, waxaana “si hoose durba u dhacay wada-hadallo hordhac ah”.

Warbixintu waxay sidoo kale sheegtay in Enzo Maresca, oo la filayo inuu beddelo Pep Guardiola xagaagan, uu si gaar ah u doonayo saxiixa Fernandez kooxda cusub ee uu hoggaamin doono.

Fernandez iyo Maresca ayaa xiriir wanaagsan ku lahaa waqtigii ay wada joogeen Chelsea, waxaana ciyaaryahanka reer Argentina uu bishii March dhaliilay kooxda kadib bixitaankii tababaraha Talyaaniga.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga