RASMI: Bruno Fernandes Oo Ku Guulaystay Abaalmarinta Xiddiga Ugu Fiican Xilli Ciyaareedka.

Kabtanka Manchester United, Bruno Fernandes, ayaa ku guuleystay abaalmarinta ciyaaryahanka ugu fiican xilli ciyaareedka Premier League.

Fernandes ayaa dhaliyay siddeed gool, wuxuuna barbar dhigay rikoodhka caawinta ugu badan hal xilli ciyaareed gudaheed, isagoo sameeyay 20 assists, rikoodhkaas oo ay horay u haysteen Thierry Henry iyo Kevin De Bruyne.

Laacibka 31 jirka ah ayaa markii ugu horreysay xirfaddiisa ku guuleystay abaalmarintan, wuxuuna noqday ciyaaryahankii ugu horreeyay ee United ka tirsan tan iyo Nemanja Matić xilli ciyaareedkii 2010/11 ee hela sharaftan.

Fernandes wuxuu noqday ciyaaryahankii toddobaad ee ku guuleysta abaalmarintan isagoo jooga Manchester United, isagoo ku biiray halyeeyo ay ka mid yihiin Peter Schmeichel, Dwight Yorke, Ruud van Nistelrooy, Cristiano Ronaldo iyo Wayne Rooney.

Fernandes wuxuu horay ugu guuleystay abaalmarinta FWA Footballer of the Year, wuxuuna hadda ku daray mid kale xilli ciyaareed taariikhi ah kadib markii uu ka caawiyay Manchester United inay xaqiijiso ka qaybgalka UEFA Champions League.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga