Tartanka Gooldhalinta Yurub Oo Meel Xiiso Leh Maraya.

Kylian Mbappé wuxuu doonayaa inuu difaacdo horyaalka kabta dahabka Yurub (European Golden Shoe) ee xilli ciyaareedka 2025/26, balse waxa uu wajahaya tartan adag oo kaga imanaya qaar ka mid ah weeraryahannada ugu fiican qaaradda Yurub.

Weeraryahanka Real Madrid iyo xulka France ee Kylian Mbappé ayaa markii ugu horreysay ku guuleystay abaalmarinta kabta dahabka Yurub xilli ciyaareedkii hore, kadib bandhig cajiib ah oo uu sameeyay dhammaadkii xilli ciyaareedka.

Mbappé ma hoggaaminayn tartanka kabta dahabka Yurub ilaa ciyaartii 38-aad iyo tii ugu dambeysay ee horyaalka La Liga ay ciyaartay kooxda Real Madrid.

Laakiin ugu dambeyn Kylian Mbappé wuxuu helay waddo uu ku guuleysto, isagoo ku dhammeystay 31 gool iyo 62 dhibcood oo Golden Shoe ah, si dirqi ahna uga sarre maray Viktor Gyökeres, Mohamed Salah iyo Robert Lewandowski, taasoo ka dhigtay mid ka mid ah tartamadii ugu dhowaa sannado badan.

Xiddiga Bayern Munich ee Harry Kane ayaa sidoo kale ku jiray tartanka, isagoo si yar uga haray difaacashada horyaalkii uu ku guuleystay xilli ciyaareedkii 2023/24. Halka Mateo Retegui, Alexander Isak iyo Erling Haaland ay dhammaantood ka mid ahaayeen siddeedda ciyaaryahan ee ugu sarreeyay gooldhalinta Yurub.

Kylian Mbappé wuxuu rumeysnaa inuu fursad fiican u haysto ku guuleysiga Golden Shoe markii ugu horreysay kadib markii uu uga soo wareegay Paris Saint-Germain kuna biiray Real Madrid kahor xilli ciyaareedkii 2024/25.

Inkasta oo Mbappé aanu ku guuleysan Golden Shoe ka hor xilli ciyaareedkii hore, haddana dhowr jeer ayuu aad ugu dhowaaday, isagoo dhaliyay ugu yaraan 27 gool shan ka mid ah lixdii xilli ciyaareed ee ugu dambeysay uu u ciyaarayay Paris Saint-Germain horyaalka Ligue 1, isla markaana si joogto ah ugu tartamayay kaalmaha sare ee gooldhalinta Yurub.

Tartankaas waxaa ku jiray xilli ciyaareedkii 2018/19 oo uu Kylian Mbappé dhaliyay 33 gool, balse saddex gool ayuu kaga haray Lionel Messi, taasoo ahayd markii ugu dambeysay ee halyeyga reer Argentina uu ku guuleysto Golden Shoe intii uu joogay FC Barcelona.

Iyadoo uu noqday xiddiga cusub ee ugu weyn Real Madrid, Mbappé wuxuu noqday ciyaaryahankii ugu goolasha badnaa Yurub xilli ciyaareedkii 2024/25, inkastoo kooxda aysan ku guuleysan La Liga, Champions League ama Copa del Rey.

Wuxuu noqday ciyaaryahankii ugu horreeyay ee Real Madrid ku guuleysta abaalmarintan muddo 10 sano ah, iyadoo Cristiano Ronaldo uu ahaa kii ugu dambeeyay ee kooxda “Los Blancos” uga guuleysta sanadkii 2014/15.

Xilli ciyaareedkan, ciyaartoy sida Vinícius Júnior, Jude Bellingham iyo Lamine Yamal ayaa ka mid ah musharixiinta La Liga ugu cadcad ee goolasha ugu badan ka dhalin kara shanta horyaal ee ugu waaweyn Yurub.

Dhanka kale, Ousmane Dembélé ayaa si fiican ku galay Ligue 1 kadib guushii Champions League ee Paris Saint-Germain, halka Serhou Guirassy uu khatar weyn ka yahay Bundesliga kadib qaab ciyaareedkiisii cajiibka ahaa xilli ciyaareedkii hore.

Sidoo kale Mohamed Salah, Alexander Isak iyo Erling Haaland ayaa ka mid ah xiddigaha Premier League ee tartanka ku jira, halka Viktor Gyökeres uu hadda England kaga ciyaarayo Arsenal kadib markii uu kaga soo biiray Sporting CP.

Waqtigan xaadirka ah, Harry Kane ayaa hoggaaminaya tartanka Golden Shoe isagoo leh 33 gool, halka Mbappé uu leeyahay 24 gool, iyo Erling Haaland oo leh 26 gool.

Tartanka Gooldhalinta Yurub ee xilli ciyaareedkan.

Player Goals Points
Harry Kane (Bayern Munich) 33 66
Erling Haaland (Man City) 26 52
Kylian Mbappe (Real Madrid) 24 48
Igor Thiago (Brentford) 22 44
Vedat Muriqi (Mallorca) 22 44
Esteban Lepaul (Rennes) 20 40
Deniz Undav (Stuttgart) 19 38
Lautaro Martinez (Inter) 17 34
Ante Budimir (Osasuna) 17 34
Joaquin Panichelli (Strasbourg) 16 32
Lamine Yamal (Barcelona) 16 32
Mason Greenwood (Marseille) 16 32
Ferran Torres (Barcelona) 16 32
Patrik Schick (Bayer Leverkusen) 16 32
Serhou Guirassy (Borussia Dortmund) 16 32
Antoine Semenyo (Man City) 15 30
Joao Pedro (Chelsea) 15 30
Luis Diaz (Bayern Munich) 15 30
Vinicius Junior (Real Madrid) 15 30
Michael Olise (Bayern Munich) 15 30
Mikel Oyarzabal (Real Sociedad) 15 30
Viktor Gyokeres (Arsenal) 14 28
Danny Welbeck (Brighton) 13 26
Robert Lewandowski (Barcelona) 13 26
Dominic Calvert-Lewin (Leeds) 12 24
Haris Tabakovic (Gladbach) 12 24
Raphinha (Barcelona) 11 22
Bradley Barcola (PSG) 10 20
Ousmane Dembele (PSG) 10 20

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga