Joshua Kimmich Oo Magacaabay Laba Kooxood Ee Ugu Fiican Yurub Kadib Guushii Champions League.

Khadka dhexe ee Bayern Munich, Joshua Kimmich, ayaa magacaabay labada koox ee ugu fiican ee weli ku haray UEFA Champions League.

Kimmich waxa uu la hadlay DAZN kadib guushii xiisaha lahayd ee 4-3 ay ka gaareen Real Madrid lugtii labaad ee wareegga siddeed dhammaadka.

Natiijadaasi waxay ka dhigtay in kooxda horyaalka Bundesliga ay u gudubto semi-finalka iyadoo wadar ahaan ku badisay 6-4.

Hadda waxay la ciyaari doonaan Paris Saint-Germain si ay ugu gudbaan finalka, halka semi-finalka kale ay ku kulmayaan Arsenal iyo Atletico Madrid.

Kimmich ayaa yiri:“Uma maleynayo in caawa ay ahayd ciyaar heer sare ah. Ma ahayn kulankeena ugu fiican”

“Laakiin, dabcan, aad ayaan ugu faraxsanahay guusha. Ma iloobi karno inaan habeenkan guulaysanay sidoo kale”

“Waxaan gaarnay afar dhammaadka anagoo laba guul helnay. Waxaanan aaminsanahay in kooxaha ugu fiican Yurub hadda ay isku arki doonaan semi-finalka.”

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga