Dhirbaaxo: Arsenal Oo Dhaawac Ku Wayday Xiddig Muhiim Ah Kulanka Man City.

Kooxda Arsenal ayaa laga yaabaa inay waayaan Noni Madueke kulanka ay Axadda la ciyaarayaan Manchester City ee horyaalka Premier League.

Madueke ayaa dhaawac looga saaray ciyaartii ay barbaraha 0-0 la galeen Sporting CP tartanka UEFA Champions League habeenkii Arbacada.

Xiddiga xulka England ayaa galay isku dhac culus oo uu la yeeshay Pedro Goncalves, kadibna dhulka ayuu ku sii jiray.

Markii ay caddaatay inuusan sii ciyaari karin, tababare Mikel Arteta ayaa beddelkiisa keenay Max Dowman.

Arsenal ayaa sidoo kale ka maqnaa ciyaartaas Bukayo Saka, Martin Odegaard, Jurrien Timber iyo Riccardo Calafiori.

Afartaas ciyaaryahan ayaa sidoo kale ka maqnaa guuldarradii ay kala kulmeen Bournemouth usbuucii hore.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga