Manchester United ayaa si rasmi ah racfaan uga gudbisay kaarka casaanka ah ee la siiyay Lisandro Martinez guuldarradii 2-1 ee ay kala kulmeen Leeds United Isniintii.
Daafaca 28-jirka ah ayaa si toos ah loo siiyay kaarka casaanka kadib markii uu timaha ka jiiday weeraryahanka Leeds, Dominic Calvert-Lewin, kulan ka dhacay Old Trafford.
Tababaraha Man United, Michael Carrick, ayaa ku tilmaamay go’aankaas mid ka mid ah “go’aamadii ugu xumaa” ee uu arkay, halka kabtanka Bruno Fernandes isna aad uga carooday.
Sida ay qortay The Telegraph, Manchester United ayaa hadda racfaan gudbisay iyagoo rajeynaya in Premier League ay ka noqdaan go’aanka kaarka casaanka.
Haddii racfaanka la diido:
Martinez wuxuu seegi doonaa kulanka ay la leeyihiin Chelsea usbuuca dhammaadkiisa
Sidoo kale wuxuu seegi doonaa laba kulan oo guriga ah oo ay la leeyihiin Brentford iyo Liverpool
Be the first to comment