PSG Oo Garaacday Liverpool Una Gudubtay Wareega 4 Xiddig Champions League.

Paris Saint-Germain ayaa u gudubtay wareega afar dhammaadka ee UEFA Champions League kadib markii ay 2-0 kaga adkaatay Liverpool lugtii labaad ee wareega siddeed dhammaadka, ciyaartaas oo ka dhacday Anfield.

Lugtii hore ee labada kooxood ayaa sidoo kale ku dhammaatay 2-0 oo ay ku badisay Paris Saint-Germain.

Ciyaarta, Paris Saint-Germain ayaa lahayd xakameyn iyo haynta kubadda oo ka fiican, halka Liverpool ay isku dayday inay jebiso difaaca PSG, gaar ahaan qeybtii hore ee ciyaarta.

Daqiiqaddii 63-aad, garsooraha ayaa rigooro u dhigay ciyaaryahan Alistair, balse wuu ka noqday go’aankaas kadib markii uu la tashaday VAR.

Daqiiqaddii 73-aad, Ousmane Dembele ayaa dhaliyay goolka koowaad kadib laad qurux badan oo uu ka tuuray meel ka baxsan xerada ganaaxa, isagoo ka helay baas Khvicha Kvaratskhelia.

Daqiiqaddii 90+1, Dembele ayaa markale dhaliyay goolka labaad ee PSG, waxaana ka caawiyay Bradley Barcola.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga