Gareth Barry Oo Magacaabay Laba Kooxood Oo Iska Xaadirin Doona Final Champions League Iyo Kooxda Ku Guulaysan Doonta.

Halyeeyga Gareth Barry ee Premier League ayaa taageeray in Arsenal ay gaari doonto final-ka UEFA Champions League, balse wuxuu aaminsan yahay inay ku guuldareysan doonaan inay ku guuleystaan koobka.

Kooxda Gunners-ka ayaa ku dhameysatay kaalinta koowaad wareega group-yada Champions League iyagoo leh rikoor nadiif ah oo ah sideed guulood oo xiriir ah.

Kooxda uu tababaro Mikel Arteta ayaa ka adkaatay Bayer Leverkusen wareeggii hore, waxaana ay hadda la ciyaari doonaan horyaalka Portugal ee Sporting CP wareega siddeed dhammaadka.

Arsenal ayaa u safri doonta magaalada Lisbon habeenka Talaadada lugta hore, halka garoonka Emirates Stadium uu martigelin doono lugta labaad ee go’aaminta ah Arbacada soo socota.

Kooxda Arsenal (Gunners) ayaa loo arkaa inay u badan tahay inay ka gudbaan Sporting CP, inkastoo ay la kulmeen laba guuldarro oo xiriir ah—iyagoo laga qaaday final-ka Carabao Cup oo ay kaga adkaatay Manchester City, kadibna laga reebay FA Cup markii ay ka adkaatay kooxda heerka Championship-ka ee Southampton.

Haddii Arsenal ay u gudubto wareegga xiga, waxay wajihi doontaa kooxaha waaweyn ee La Liga sida Barcelona ama Atletico Madrid semi-finalka, waxaana ciyaaryahankii hore ee Premier League Gareth Barry uu filayaa inay gaaraan final-ka.

Dhinaca kale ee isku aadka waxaa ku jira kooxo waaweyn oo Yurub ah sida Real Madrid, Bayern Munich, Liverpool iyo kooxda difaacaneysa koobka Champions League ee Paris Saint-Germain.

Gareth Barry ayaa aaminsan in Paris Saint-Germain (PSG) ay gaari doonto final-ka dhinacaas isku aadka, wuxuuna sheegay inuu u arko kooxda Faransiiska inay “si yar uga adkaan karto” Arsenal si ay ugu guuleysato koobka.

Barry ayaa yiri:“Wareeggii ugu dambeeyay, PSG runtii waxay muujiyeen qaab ciyaareed aad u wanaagsan, waxayna ku soo laabteen heerkii fiicnaa ee sannadkii hore. Waxay si tartiib ah u soo hagaageen, haddana waxay u muuqdaan inay mar kale gaareen heerkii ugu sarreeyay.”

Wuxuu intaas ku daray:“Waxaan u arkaa Arsenal iyo PSG inay yihiin labada kooxood ee laga yaabo inay gaaraan final-ka. Haddii Arsenal ay ku guuleysato horyaalka, waxay si weyn uga yareyn doontaa cadaadiska saaran, taasoo ka dhigi doonta inay ciyaartaas galaan iyagoo kalsooni badan leh, isla markaana leh fursad fiican oo ay ku guuleystaan.”

“Ciyaarta final-ka ee u dhaxaysa Arsenal iyo Paris Saint-Germain waxay noqon lahayd mid aad u adag, balse waxaan u maleynayaa PSG—waxay haystaan ciyaartoy u diyaarsan kulamada waaweyn ee noocaas ah, sidaas darteed waxaan u janjeeraa dhinacooda inay guuleystaan.”

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga