Bruno Fernandes Oo Diyaar U Ah In Uu Heshiis Cusub U Saxiixo Man United Laakiin Hal Shardi Ku Xidhay.

Kabtan-ka Manchester United, Bruno Fernandes oo u dhashay dalka Portugal, ayaa muujiyay diyaar ahaanshihiisa inuu heshiiskiisa cusub u saxiixo kooxda Ingiriiska haddii loo soo bandhigo qandaraas cusub oo mushaharkiisu gaarayo ku dhowaad 400 kun oo gini toddobaadkii, sida ay qortay wargeyska Daily Mirror.

Wargeysku wuxuu sheegay in ciyaaryahanka khadka dhexe ee 31 jirka ah uu si buuxda u ogyahay qiimaha farsamo ee uu ku leeyahay kooxda, isla markaana uu fahamsan yahay in maamulka United aysan doonayn inay waayaan, maadaama uu leeyahay door muhiim ah iyo saameyn muuqata oo uu ku yeeshay waxqabadka kooxda xilli ciyaareedyadii u dambeeyay.

Waxaa la filayaa in xiddiga reer Portugal uu go’aankiisa kama dambaysta ah ka gaari doono mustaqbalkiisa dhammaadka xilli ciyaareedkan, iyadoo la ogyahay in heshiiskiisa Manchester United uu dhacayo xagaaga 2027.

Bruno Fernandes ayaa muddooyinkii u dambeeyay lala xiriirinayay inuu ka tago kooxda kaddib markii ay xiiso u muujiyeen dhowr kooxood oo ka ciyaara horyaalka Sacuudiga, sidoo kalena ay isha ku hayeen qaar ka mid ah kooxaha waaweyn ee Yurub.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga