Tababaraha kooxda Arsenal, Mikel Arteta, ayaa ka hadlay saxaafadda kadib guuldarradii 2-1 ee ay kala kulmeen Aston Villa kulanka wareegga 15-aad ee Premier League-ka oo ka dhacay Villa Park.
Wuxuu yiri: “Guuldarradu aad bay u xanuun badan tahay, gaar ahaan marka la eego dadaalka uu kooxda oo dhan geliyay ciyaarta. Ciyaartu way furneyd, waxaana u hambalyeynayaa Aston Villa sababtoo ah waa koox aad u fiican.”
Wuxuu sii raaciyay: “Waxaan qaatay gool culus qeybtii hore. Qeybtii labaad waxaan helnay xakameyn yar, waxaana ii muuqatay inaan guuleysan doonno. Sidaas darteed, in aan guuldaro la kulano, waa wax murugo leh. Kadib 18 ciyaarood oo aan guuldarro la kulmin, mar uun ayaa lagaa badin karaa “.
Wuxuu intaas ku daray: “Waxa dhacay, wuu dhacay. Fursad weyn ayaan helnay markii Declan [Rice] uu kubadda u dhiibay Noni [Madueke] laakiin waxa ay heleen kubad gacan tuuris ah taasina waa wax dhaca”.
“In lagaa badiyo waa wax iska caadi ah sidaas darteed waa in aan hada isku diyaarino sidii aan ugu soo laaban lahayn wadada guulaha”
Be the first to comment